Salaadiinta Nabadaynta Dacawaley “Dhaqankii Somaliland Waxa Laga Dhigay Mid la Dilay iyo Mid la Dhaawacay”.

0
14

Waxa sii kor dhaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta markale deegaanka Dacawaley ee Deegaanka Soomaalidda ku dhex maray ciidamada Liyuu Booliska iyo maleeshiyo beeleed.

Qaar kamid ah salaadiinta Somaliland oo hawlaha nabadaynta colaada deegaankan u tagay Dacawaley, ayaa sheegay in ciidanka gaarka ah ee deegaanku ay weerar kusoo qaadeen isla markaana ay dhibaato u gaysteen shacabkii.

“Ciidamadii waanu kala dirnay, nabad ayaanu ka shaqaynaynay, halkaa khasaare wayn ayaa ka dhacay oo dhaqankii Somaliland wax la dilay, wax la dhaawacay iyo wax maxaabiis ah ayay noqdeen” Suldaan Aadan Suldaan Aamin, oo kamid ah salaadiinta nabadaynta qaybta ka ahayd  ayaa sida Horyaal TV u sheegay.

Dagaalkan oo socday mudo ayaa dhalliyay dhimasho iyo dhaawac badan, sidookale, ciidamada  Liyuu Booliska ayaa  kaxaystay baabuur ay wateen salaadiinta nabadaynta waday, ee ka tagay magaalada Hargaysa.

Mid kamid ah shacabka deegaanka oo ka warbixiyay siday wax u dhaceen ayaa yidhi “Daraad ayay noo yimaadeen niman wasiiro ah waxay yidhaahdeen nabad ayaanu qaadane maxad qaadateen, waxaanu nidhi nabad ayaanu qaadanay, waxay yidhaahdeen ciidankii kala dira, waanu kala dirnay, kadibna saaka ayay nasoo weerareen”.

Kadib dagaal dhawaan deegaanka ku dhexmaray ciidanka Liyuu Booliska iyo maleeshiyo beeleed, oo ka dhashay muran dhul oo mudo soo taxnaa, Somaliland iyo Xukuumada Dowladda Deegaanka Soomaalidda, ayaa isku afgartay in colaada lagu dhameeyo hab dhaqan, iyada oo salaadiin laga diray Hargaysa.

Ka hor isku dhaca ciidanka iyo shacabka, Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa ciidanka Liyuu Booliska ugu baaqay in ay xoog hubka kaga dhigaan cidkasta oo si beelaysan wax ku doonaysa, amarkaasi oo dhaliyay dagaalada hada u dhexeeya ciidanka iyo shacabka hubaysan

Taliska Ciidanka Deegaanka Soomaalidda, ayaa hore u sheegay ciidamo beeleedka deegaanku ay gacanta ku horeeyeen dagaaladii hore, isla markaana ay dileen saraakiil ciidan, nabadana ay khatar galiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here