Somaliland ayaa guddi baaris ah u saartay dhallinyaro habeenno ka hor rabshado ka sameeyay magaalada Boorama, kuwaas oo ay ciidamada booliisku xidheen kadib markii lagu eedeeyay inay rabshado ka dhigeen magaalada iyaga oo dhawaaqaya hadallo ka dhan ah xuska 18-ka May.
Dhallinyarada la xiray ayaa la sheegay inay kor u dhaafayaan boqol qof, inkasta oo maamulka gobolka uu sheegay in dhammaan dadka la qabtay aanay wada ahayn dambiilayaal, isla markaana qaarkood hore loo sii daayay kadib baadhitaanno lagu sameeyay.
Guddoomiyaha gobolka Awdal,Cabdirashiid Xasan Mataan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo lid ku noqota amniga iyo horumarka gobolka.
“Cidii horumarka gobolka ka hor timaadda lama aqbali doono. Goobaha dadweynaha, meelaha lagu nasto iyo suuqyada cidii ula timaadda rabshad, taayir gubis ama falal wax u dhimaya amniga iyo danta guud, waxay mutaysan doonaan tallaabada sharcigu dhigayo,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan hawlgallo lagu raadinayo dadka uu ku eedeeyay inay dhalinyarada ku riixayaan falalka qalalaasaha ah.
Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay shacabka gobolka, culimada, waxgaradka iyo waalidiinta oo uu sheegay inay ciidamada kala shaqeeyeen sugidda ammaanka, isla markaana fariimo taageero ah usoo diray maamulka gobolka.
Waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa ubadkooda, isagoo xusay in guddiga loo saaray dadka la qabtay uu hadda ku jiro kala saaristooda.



