Home WARARKA Burcad-badeed Soomaali ah oo markab shidaal ku weerartay gacanka Cadmeed

Burcad-badeed Soomaali ah oo markab shidaal ku weerartay gacanka Cadmeed

3
0

Kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah ayaa weeraray markab shidaal siday, balse ilaaladiisa ayaa rasaas digniin ah riday si ay uga hortagaan doon si shaki leh ugu soo dhowaatay.

Shirkadda amniga ee markabkaasi ayaa dhacdada u gudbisay hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO), iyadoo sheegtay in markabku marayay meel qiyaastii 98 mayl-badeed u jirta jasiiradda Socotra ee Yemen maamusho, xilliga ay soo wajahday doon yar oo ay saarnaayeen shan qof.

Warbixinta ayaa sheegtay in kooxda hubeysan ee ilaalinaysay markabka ay rideen rasaas digniin ah, taas oo sababtay in doontii yarayd ay jihada beddesho oo ay ka fogaato markabka.

Xarunta Midowga Yurub ee Amniga Badda Badweynta Hindiya (MSCIO) ayaa sheegtay in tani ay ahayd dhacdadii saddexaad toddobaad gudihii ee lala xiriirinayo kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.

18-kii May, doon nooca skiff-ka ah oo lagu arkay meel u dhow magaalada Boosaaso ayaa lagu wargeliyay howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta, iyadoo lagu tuhmay inay raadinaysay maraakiib ganacsi oo ay afduubato.

Dhanka kale, saddex markab ayaa weli lagu hayaa xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan kooxo burcad-badeed ah. Markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25 ayaa la afduubtay 21-kii April, markabka xamuulka qaada ee Sward 26-kii April, halka markabka Eureka la qabsaday 2-dii May. Wararka ayaa sheegaya in burcaddu ay dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo dhan saddex milyan oo dollar si loo sii daayo markabka Eureka.

UKMTO ayaa ka digtay in halista burcad-badeednimada ay weli aad u sarreyso xeebaha Soomaaliya iyo aagga loo yaqaan Somalia Basin. MSCIO waxay si gaar ah u tilmaantay in khatarta ugu badan ay ka jirto waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland iyo gacanka Cadmeed.

Maraakiibta ayaa lagu wargeliyay inay ugu yaraan 150 mayl-badeed ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya ama ay gebi ahaanba ka dheeraadaan marinadaas haddii ay suurtagal tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here