Ciidamada booliska degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro la sheegay inay ahaayeen tahriibayaal ka soo safray magaalada Muqdisho, kuwaas oo qorsheynayay inay uga sii gudbaan xadka Kenya si ay ugu sii socdaalaan dalka Liibiya.
Howlgalka lagu qabtay dhalinyaradan ayaa ka dhacay koontaroolka laga soo galo magaalada Dhoobley, kaddib markii ciidamada ammaanku ay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqooda iyo inaysan haysan cid dammaanad ka qaadda gudaha magaalada.
War kasoo baxay Saraakiisha booliska ayaa lagu sheegay in baaritaanno lagu sameeyay dhalinyaradaasi lagu xaqiijiyay inay qayb ka ahaayeen shabakad tahriib doon ah oo isku dayaysay inay si qarsoodi ah uga gudubto xadka.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaadiid looga soo qaaday magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen tahriibinta dhalinyaradaasi.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan digniinaha laga muujinayo khatarta tahriibka iyo shabakadaha dadka ka ganacsada, kuwaas oo dhalinyarada Soomaaliyeed marin habaabiya iyagoo u ballanqaadaya nolol wanaagsan oo dibadda ah.



