Home WARARKA Geerida Madaxweynihii hore ee Yemen Cabdirabbu Mansuur Haadi oo lagu dhawaaqay

Geerida Madaxweynihii hore ee Yemen Cabdirabbu Mansuur Haadi oo lagu dhawaaqay

4
0

Waxaa maanta geeriyooday Madaxweynihii hore ee Yemen, Cabd Rabbuh Mansur Hadi, isagoo ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, sida ay xaqiijiyeen ilo dhow oo ku sugan qoyskiisa iyo madaxda Yemen.

Haadi oo jiray 81 sano ayaa muddo dheer la tacaalayay xaalado caafimaad, gaar ahaan xanuunno dhanka wadnaha ah, isagoo safaro caafimaad ku tageydalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Cleveland.

Cabdirabbu Mansuur Haadi ayaa tan iyo sanadkii 2015 ku noolaa magaalada Riyaad, kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay la wareegeen caasimadda Sanca iyo xarumihii dowladda Yemen

Bishii April sanadkii 2022 ayuu si rasmi ah awooddiisa ugu wareejiyay Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, tallaabadaas oo lagu doonayay dib-u-habeyn siyaasadeed iyo mideynta dowladda Yemen xilli dalkaasi wajahayo colaado iyo qalalaase siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ee Yemen ayaa dhashay 1-dii September 1945, degmada Al-Wadi’a ee gobolka Abyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here