Home WARARKA Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in ay ciidamo dowladda ka socda xoog...

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in ay ciidamo dowladda ka socda xoog kula wareegeen hoteelkiisa Elite

4
0

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Federaalka inay maanta oo Sabti ah gudaha u galeen hoteelkiisa Elite ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu tilmaamay in ay  si buuxda ay ula wareegeen ciidamo hubeysan.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada ay hotelka galeen abbaaro 11:30 subaxnimo, iyagoo sida hub culus iyo walxo qarxa, islamarkaana hal meel isugu geeyay shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneyd gudaha dhismaha.

Cabdullaahi ayaa ku dooday in howlgalkaasi aanu ahayn baaritaan amni oo caadi ah, balse uu jiro qorshe lagu burburinayo goobtiisa ganacsiga laguna boobayo hantida ku jirta. Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada ay hotelka geeyeen hub culus si loogu marmarsiyoodo in hoteelka hub lagu helay.

Cabdullaahi ayaa mas’uuliyadda dhacdada dusha ka saaray Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku andacooday in ciidamada howlgalka fuliyay ay ka amar qaateen dowladda Federaalka.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii taliska ciidamada Booliiska gobolka Banaadir uu sheegay in ay bilowdeen howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo la sheegay in lagu qariyey goobo kala duwan oo ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsanayaa hub la sheegay in ay lahaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo dhawaan weerar ka geystay degmadaas. Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu soo saarayo hubkaasi si loo adkeeyo amniga magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta dowladda ka agdhawaa, islamarkaasna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda, ayaa dhawaan ku biiray mucaaradka Soomaaliya, kaddib markii ka horyimid sida ay dowladda uga shaqeynayso doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here