Home WARARKA Ciidamo Macawiisleyda oo gaaray Cadale iyo iska horimaad ka dhacay Duleedka Muqdisho

Ciidamo Macawiisleyda oo gaaray Cadale iyo iska horimaad ka dhacay Duleedka Muqdisho

6
0

Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo xalay ka baxay deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa  si nabad ah  waxay ay ku gaareen gobolka Shabeellaha Dhexe.

ciidamadaasi ayaa dhaqaaqay kadib markii ay heleen xog la xiriirta ciidamo ka baxay magaalada muqdisho  oo la sheegay inay kusoo wajahnaayeen deegaanka ay joogeen, taasoo sababtay inay u ruqaansadaan dhinaca Cadalle.

Wararka ayaa intaa ku daraya in intii ay safarka ku jireen ay la kulmeen dhowr isbaaro iyo baro-koontarool, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay iska horimaad kooban.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada Macawiisleyda ay ka gudbeen goobahaasi kadib dagaal kooban, iyagoo sii watay socdaalkooda kuna guuleystay inay gaaraan degmada Cadalle.

Dhanka kale,ciidamadii daba socday ayaa dib  waxay ugu soo laabteen Muqdisho kadib markii ay ku guuldareysteen inay gaaraan ama la kulmaan ciidamada Macawiisleyda intii ay jidka ku jireen.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo sii kordhaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here