Home WARARKA Farmaajo: Soomaaliya waxay gashay qalqal siyaasadeed oo halis ku ah amniga iyo...

Farmaajo: Soomaaliya waxay gashay qalqal siyaasadeed oo halis ku ah amniga iyo midnimada ciidanka

4
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad qalqal siyaasadeed iyo amni oo halis ku ah xasilloonida, isagoo ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku guuldareysatay inay xal siyaasadeed u hesho khilaafaadka taagan.

Farmaajo ayaa sheegay in muranka siyaasadeed ee dalka uu ka gudbay heer siyaasadeed, isla markaana uu galay dhinaca amniga, kadib markii sida uu sheegay la waayay doorasho heshiis lagu yahay oo loo wada dhan yahay.

“Doorasho xalaal ah oo loo dhanyahay oo walwalka meesha ka saarta waa la keeni waayay. Marka siyaasaddii markay socon weydo waxay gashaa amni xumo. Waa meesha hadda ay taagan tahay,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka hadlay wararka la xiriira Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, isagoo sheegay in haddii saraakiisha sare ee ciidamada la weeraro ay taasi dhaawici karto kalsoonida iyo kala dambeynta ciidamada.

“Chain of command-ka ayaa dhumaaya, kala dambeyntii ayaa dhumeysa, amar kala qaadashadii ayaa dhumeysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay in haddii taliyeyaasha ciidamada ay dareemaan amni darro ama kalsooni la’aan, ay taasi saameyn karto wadajirka ciidamada, isla markaana ay horseedi karto in ciidamadu u kala janjeeraan dhinacyo qabiil.

“Waxay tageysaa qabiil iyo qabiilaad. Nin walba reerkiisa ayuu aadayaa. Ciidankana sidaas ayuu ku burburayaa,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa sheegay in xaaladdaasi ay dhalin karto qalqal siyaasadeed oo sii fida, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladaha ka jira Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

“Dalku wuxuu galay qalqal siyaasadeed. Waxaana kafaa’iideysanaya cadawgeenna iyo cid kasta oo ku faraxsan xaaladda aad mareeyso Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda Soomaaliya ay gaartay heer ay si xun uga hadlaan madaxda caalamka, isaga oo soo hadal qaaday hadallo uu ku sheegay inay kasoo yeereen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“Xitaa waxay gaartay in Donald Trump inuu yiraahdo Soomaaliya madaxweyne malaha, dowlad malaha, ciidan malaha, booliis malaha,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay digniin ku saabsan jihada siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo sheegay in xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay xal siyaasadeed oo degdeg ah si looga hortago khataro waaweyn oo kusoo wajahan xasilloonida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here