Shirweynaha qaran ee codka haweenka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ayaa ugu baaqay , Xasan Sheekh Maxamuud, inuu si degdeg ah u furo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si xal siyaasadeed looga gaaro xaaladda cakiran ee dalka.
War-saxaafadeed laga soo saaray shirweynaha ayaa lagu adkeeyay in geeddi-socod kasta oo wadahadal ah ay si muuqata uga qayb qaataan bulshada rayidka ah, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, si loo helo xal waara oo ku dhisan is-afgarad iyo wada-tashi.
Shirweynaha qaran ee codka haweenka Soomaaliyeed ee xoojinta nabadda ayaa walaac xooggan looga muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kaddib qalalaasihii ugu dambeeyay ee ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda iyo mucaaradka.
War-saxaafadeedka shirka waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajahayday marxalad xasaasi ah, gaar ahaan iska hor imaadyadii dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo qaar kamid ah kooxaha mucaaradka, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.
Haweenku waxay adkeeyeen in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadahadal, dulqaad, tanaasul siyaasadeed iyo is-afgarad, iyagoo xusay in wixii lagu waayo wadahadal aan lagu heli karin awood adeegsi iyo dagaal.
Shirka ayaa sidoo kale dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan dhammaan falalka iyo hadallada sii hurin kara xiisadaha siyaasadeed ama khatar gelin kara nabadda iyo xasiloonida Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Dhanka doorashooyinka, shirku wuxuu ku baaqay in dhinacyada siyaasadda ay ku heshiiyaan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, hufan, caddaalad ah laguna kalsoonaan karo natiijadiisa, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed.
Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay inay u istaagaan difaaca nabadda, ilaalinta wadajirka bulshada iyo xasiloonida dalka, isla markaana ay ku midoobaan badbaadinta nafaha muwaadiniinta, hantida iyo mustaqbalka qaranka.



