Xilli muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda muddo xileedka uu dhammaaday ay waday hawlgallo hub uruurin ah sida ay sheegtay xaafado badan oo kamid ah magaaladda Muqdisho ay ka sameysay hawlgallo xooggan oo baraha bulshada ay kusoo bandhigaysay iyadoo saxaafadda isugu yeeraysay ee saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan magaalada Muqdisho waxa ay bilaabeen inay isaga baxaan Muqdisho ayaga iyo hubkooda.
Jeneraal Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga ayaa isaga baxay degmada Gubadleey isaga oo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u badan oo deegaan ahaan isku meel kasoo jeedaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa lagu soo warramaya in degmada Gubadleey uu ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay jeneraalka haatan uu isaga baxay isaga oo ciidan badan wata iyo hubkiisa.
Arrintaan ayaa tilmaamay hub uruurinta ay dowladdu ay kawado Muqdisho gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo dowladdu ku sheegtay in amniga Muqdisho lagu xaqiijinaayo.
Korneel Abuukar Cali Boonoow oo kamid ah saraakiisha sare ee militariga Soomaaliya ahna Taliyaha Ururka 31aad guutada 3aad ee militariga Soomaaliya ayaa ka hadlay hawlgal loogu dhacay gurigiisa oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho xilli uu ku sugan furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Qalimoow.
Korneelka ayaa tilmaamay in Macallin Mahdi Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir hoygiisa magaaladda Muqdisho inta tagay uu kala baxay gaari nooca Cabdibille ah iyadoona aan lagu soo wargelin sidoo kalena aanu jirin waaraan maxkamadeed oo isaga laga soo saaray.
Taliyaha waxa uu hadalka intaa raaciyay inuu wado baaritaano jawaab u qalantana uu ka bixi doono falka lagula kacay hoygiisa iyo gaari milkiile ahaan si gaar ah u leeyahay oo laga kaxeystay.
Goobta gaariga la geeyay ayuu sheegay inay tahay talis boolis taasina ay tahay mid sharci darro ah loona baahnaa xittaa haddii ay wax sharciyad ku qotomaan misne quseeyaan in gaariga la geeyo xarun militari.
Warka kasoo baxay korneel Abuukar Boonoow Taliyaha Ururka 31aad ee guutada 3aad ee militariga Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo magaaladda Muqdisho dhaqdhaqaaqyadaan ay ka jiraan beriyahaan.
Waxaana xusid mudan in saraakiil badan guryahooda loo daatay maalmihii ugu dambeeyay kasoo hub badan laga soo qabtay.
Dhinaca kale, waxaa shaqsiyaad qaar oo dowladda hore xilal ugu soo qabtay iyo kuwa kaleba haatan ka tirsan ay dhankoodu sheegeen in hawlgal sharci darro ah lagu sameeyay guryahooda waxaa kamid ah wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaadir Soomoow oo sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya xalay ay u dhaadhacday gurigiisa ku yaalla Mirinaayo halkaasina agab lagala qaatay qoyskiisana si aan wanaagsanayn loola dhaqmay kadib shir jaraa’id oo uu qabtay.
Dhinaceeda, Guddoomiyihii hore ee degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, Seynab Xaabseey ayaa shaacisay in hub u sharciyeysanaa oo amnigeeda ku xaqiijinaysa ay ka qaateen saacadihii lasoo dhaafay ciidanka uu xumo taliyaha booliska ee gobolka Banaadir Mahdi.



