Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, iyagoo ka wada hadlay dadaallada lagu doonayo sii-deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Wasiir Cabdisalaam ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii-deynta degdegga ah ee dadka saaran markabkaasi.
Labada masuul ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo isgaarsiin joogto ah ilaa xal laga gaarayo xaaladda markabka.
Dhanka kale, wasiirradu waxay soo dhaweeyeen heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Islamabad.
Wadahadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo xal loogu helo xaaladda markabka MT Honour 25 iyo shaqaalaha saaran.



