Home WARARKA Burcad-badeed Soomaali ah oo weerarro kala duwan ku qaaday maraakiib marayay Gacanka...

Burcad-badeed Soomaali ah oo weerarro kala duwan ku qaaday maraakiib marayay Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya

6
0

Burcad-badeed looga shakisan yahay ayaa isku dayay inay fuulaan markabka xamuulka qaada ee Greta Star xilli uu marayay koonfurta xeebaha Yemen 15-kii Juun, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka badda.

Shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech ayaa sheegtay in markabka oo wata calanka Panama ay u soo dhowaadeen rag saarnaa doon yar oo hubeysan, kuwaas oo rasaas culus ku furay markabka meel qiyaastii 14 mayl-badeed u jirta xeebaha Yemen.

Sida lagu sheegay warbixinta, shaqaalaha markabka ayaa kordhiyay xawaaraha isla markaana hirgeliyay tallaabooyin ka hortag ah, taas oo keentay in weerarku fashilmo. Lama soo sheegin cid ku dhaawacantay dhacdada.

Dhanka kale, hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa xaqiijisay inay baaritaan ku waddo dhacdada, iyadoo maraakiibta ku sugan aagga uga digtay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Weerar kale ayaa lagu soo warramay meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan deegaanka Xaafuun ee Soomaaliya, halkaas oo markab xamuul guud siday oo wata calanka Palau ay u soo dhowaadeen laba doonood oo ay saarnaayeen 12 qof oo hubeysan.

Shirkadda la-talinta ammaanka badda ee Ambrey ayaa sheegtay in ragga hubeysan ay rasaas ku fureen markabka islamarkaana ku amreen inuu istaago, xilli uu ku socday xawaare ka yar shan mayl saacaddii.

Kooxda ilaalada gaarka ah ee hubeysan ee saarneyd markabka ayaa la sheegay inay rasaas isweydaarsadeen kooxaha weerarka soo qaaday muddo ku dhow 30 daqiiqo, ka hor inta aan la eryin doonyihii weerarka waday.

Markabka ayaa markii dambe kordhiyay xawaarihiisa ilaa toddobo mayl isla markaana beddelay jihadiisa. Ma jirto wax dhaawac ah oo laga soo sheegay shaqaalaha markabka ama ilaalada saarneyd.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaan ay UKMTO sheegtay in laga diiwaangeliyay koror weerarro burcad-badeednimo ah dabayaaqadii bishii Abriil, kuwaas oo ay ku jireen afduubka laba markab. Weeraradan cusub ayaa muujinaya walaac isa soo taraya oo ku saabsan amniga maraakiibta ee Gacanka Cadmeed iyo xeebaha bari ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here