Home WARARKA Mareykanka oo Shaaciyay Weerarro Cirka ah oo isdaba Joog ah oo uu...

Mareykanka oo Shaaciyay Weerarro Cirka ah oo isdaba Joog ah oo uu ka Fuliyay Soomaaliya

5
0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay afartii weerar ee ugu dambeeyay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay AFRICOM ku sheegtay war-saxaafadeedkeedi, weerarrada ayaa dhacay 14-kii, 16-kii, 18-kii iyo 19-kii Juun, Hay’addu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobaha saxda ah ama khasaaraha ka dhashay, iyadoo sheegtay in xogtaasi aan loo shaacin sababo la xiriira amniga hawlgallada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in cutubka Danab uu 14-kii Juun howlgal ka fuliyay koonfurta dalka, kaas oo ay ku sheegtay in lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan la caddeyn in howlgalkaasi uu la mid ahaa midka ay AFRICOM sheegtay.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in tani ay tahay markii ugu horreysay ee AFRICOM si rasmi ah u shaaciso duqeymo tan iyo 6-dii May, inkasta oo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay hore u soo warisay hawlgallo kale oo ay ku jireen duqeymo cirka ah oo ay taageerayeen “saaxiibbo caalami ah.

Sida tirakoobyada AFRICOM lagu sheegay, Mareykanku wuxuu sannadkan gudihiisa ugu yaraan 67 weerar oo cirka ah ka fuliyay Soomaaliya, Warbixintu waxay intaas ku dartay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay duqeymaha, kaddib markii la fududeeyay xeerarkii hagayay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada ka dhaca meelaha aan si rasmi ah loogu aqoonsan goobaha dagaalka.

Warbixintu waxay sidoo kale ku xustay in weerarradan ay kusoo beegmeen xilli Soomaaliya ay ka jiraan muranno siyaasadeed iyo isqabqabsi la xiriira doorashooyinka, iyadoo ay jiraan khilaafaad u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here