Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu xiray Cabdikariim iidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha musuqii ballaarnaa ee la xiriiray barnaamijkii “Feeding Our Future”, kaas oo lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo doollar xilligii cudurka COVID-19.
Sida ay saraakiisha federaalku sheegeen, Cabdikariim iidle oo 42 jir ah ayaa la qabtay Khamiistii, kadib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA). Waxaa la sheegay inuu baxsad ahaa muddo ka badan afar sano.
Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee gobolka Minnesota, Daniel Rosen, ayaa sheegay in Cabdikariim iidle uu ahaa shaqsi muhiim ah oo door weyn ku lahaa abaabulka iyo hagidda qorshaha lagu dhacay lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.
Baaritaannada ayaa sheegaya in iidle uu helay in ka badan shan milyan oo doollar oo laaluush iyo lacag sharci darro ah, isagoo lagu eedeeyay inuu ganacsato ku dhiirrigeliyay inay sameeyaan dukumiintiyo been abuur ah si ay u helaan lacago magdhow ah oo ka timid Waaxda Waxbarashada ee Minnesota.
Eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah khiyaano dhinaca isgaarsiinta ah (wire fraud), laaluush, lacag dhaqid iyo shirqool.
Mas’uuliyiinta FBI-da ayaa sheegay in xarigga Cabdikariim uu muujinayo in dadka lagu eedeeyo dambiyada waaweyn aysan ka baxsan karin cadaaladda Mareykanka, xitaa haddii ay ku sugan yihiin dalal kale.
Kiiska “Feeding Our Future” ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay musuqii ugu weynaa ee la xiriira lacagihii gurmadka COVID-19 ee ka dhaca Mareykanka. Ilaa iyo hadda, dacwad ayaa lagu soo oogay 79 qof, kuwaas oo intooda badan asal ahaan Soomaali ah, iyadoo 66 kamid ah ay qirteen dambiyada loo haysto ama lagu helay markii lasoo taagay maxkamad.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaannada la xiriira musuqmaasuqa ka dhacay gobolka Minnesota ay weli socdaan, isla markaana khasaaraha guud uu dhaafi karo hal bilyan oo doollar.



