Home WARARKA Booliska Mudug oo gacan ku dhigay toddobo eedeysane oo loo haysto kufsi...

Booliska Mudug oo gacan ku dhigay toddobo eedeysane oo loo haysto kufsi wadareed ka dhacay Gaalkacyo

1
0

Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen toddobo qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fal kufsi wadareed oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Booliska, howlgal degdeg ah ayaa la bilaabay kaddib markii ciidamada ay heleen xogta la xiriirta dhacdada, waxaana lagu guuleystay in dhammaan eedeysanayaasha la soo qabto muddo laba saac gudahood ah.

Booliska ayaa sheegay in dadka la qabtay ay hadda ku jiraan gacanta hay’adaha amniga, iyadoo baaritaannada kiiskuna ay weli socdaan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in eedeysanayaasha la horgeyn doono hay’adaha garsoorka si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyay shacabka wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, isagoo xusay inay ka go’an tahay xoojinta amniga iyo la dagaallanka dambiyada ka dhanka ah bulshada, gaar ahaan kuwa lagu beegsado haweenka iyo carruurta.

Booliska ma shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhibbanaha ama duruufaha saxda ah ee falka dhacay, waxaana la filayaa in xog dheeraad ah la bixiyo marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here