Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (CSHRD) ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka saddexda sano ee xabsiga ah ee lagu riday Sacdiyo Macalim Cali, isagoo ku tilmaamay mid lagu cabburinayo xorriyadda hadalka iyo codadka dhalinyarada.
War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Sacdiyo Macallin Cali ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah, iyadoo lagu eedeeyay aflagaaddo ka dhan ah Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya.
CSHRD ayaa sheegtay in Sacdiyo la xiray 20-kii Abriil 2026, kaddib markii ay ka qeyb gashay dibadbax nabadeed isla markaana ay aragtideeda ku cabirtay baraha bulshada. Ururku wuxuu ku dooday in dacwadda iyo xukunka lagu riday ay u muuqdaan kuwo siyaasadaysan, isla markaana lagu cabburinayo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.
Madaxa barnaamijyada CSHRD, Zakariya Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in aan xabsi lagu muteysan karin qof si nabad ah u cabbiray aragtidiisa, isagoo intaas ku daray in xukunka uu dhaawacayo kalsoonida lagu qabo nidaamka caddaaladda, isla markaana uu cabsi gelinayo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Ururka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u sii deyso Sacdiyo, islamarkaana ay buriso xukunka lagu riday.
Waxa uu sidoo kale ku boorriyay dowladda inay joojiso adeegsiga hay’adaha caddaaladda si loo xaddido xorriyadda hadalka, ayna ilaaliso xuquuqda haweenka iyo dhammaan u-doodayaasha xuquuqda aadanaha.
CSHRD ayaa ugu dambeyn caddeysay inay garab taagan tahay Sacdiyo Muallim Cali iyo dhammaan dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee la kulma cadaadis.



