Home WARARKA Booliska London oo xiray nin asal ahaan Soomaali ah kaddib markii gaari...

Booliska London oo xiray nin asal ahaan Soomaali ah kaddib markii gaari uu ku jiiray dad lugeynayay

6
0

Nin 34 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, haystana dhalashada Britain, ayaa la xiray kaddib markii gaari uu waday uu ku jiiray dad lugeynayay oo ku sugnaa degmada Ealing Broadway ee magaalada London.

Sida ay sheegeen booliska London, shan qof ayaa ku dhaawacmay dhacdada, iyadoo dhammaan dhaawacyada lagu tilmaamay kuwo aan halis gelin nolosha dadkaasi.

War-saxaafadeedka booliska ayaa lagu sheegay in darawalku uu goobta ka baxsaday, balse wax yar kaddib lagu qabtay deegaanka Grange Park, Waxaa loo xiray tuhun la xiriira wadis khatar ah iyo isku day dil.

Boolisku waxay sheegeen inay baarayaan dhammaan suurtagalnimada sababta dhacdada, hase yeeshee ilaa hadda aan loo aqoonsan fal argagixiso.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Britain ay ka socdaan dooddo la xiriira socdaalka iyo dambiyada ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah dadka soo galootiga ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa dhacay dhacdooyin kale oo rabshado wata, kuwaas oo sii huriyay doodda ku saabsan amniga iyo socdaalka gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here