Home WARARKA Soomaaliya oo maamuusaysa 66 sano guurada kasoo wareegtay markii la dhisay Jamhuuriyada...

Soomaaliya oo maamuusaysa 66 sano guurada kasoo wareegtay markii la dhisay Jamhuuriyada Soomaaliya kana Xorrowday gumaystihii Ingiriiska & Talyaaniga

8
0

Soomaaliya ayaa 66 sano kahor waxa ay ka xorrowday gumaystihii Ingiriiska ee Gobollada Waqooyi gumaysanayay iyo Talyaaniga oo Isticmaarsanayay Koofurta oo ay ku midoobeen labadaas gobol kuna dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabad lagu maamuusayo 1da Luulyo ayaa caawa iyo berri lagu wadaa in ay ka dhacdo Soomaaliya iyada oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dad waaya joog u ahaa maalintaas, marti dalal kala duwan ka socota iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Caawa saq dhexe ayaa la saarayaa Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo xiligaas ay ku beegsan tahay labo munaasabad oo ah markii Gobollada Koofurta ay ka xoroobeen Talyaaniga iyo israacii Waqooyi iyo Koofur.

Diyaargarow Xooggan ayaa ka socda Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee Dalka, waxaana la diyaariyay ciidamo ka qaybgalaya dhoollatus lagu soo bandhigayo inta ay socoto munaasabaddaan sida ay ku warrameen xubno katirsan guddiga loo xilsaaray howshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here