Home WARARKA Sacuudiga oo toogtay Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay geliyeen...

Sacuudiga oo toogtay Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay geliyeen Maandooriye

2
0
Saudi Arabia laws, legal system and justice concept with a 3D rendering of a gavel and the flag on background.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex Muwaadin oo u dhashay Soomaaliya kuwaas oo lagu eedeeyay in ay maandooriye si qarsoodi ah u gelinayeen Dalkaas sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha waddankaas.

Magacyada Saddexda ruux ee la toogtay ayaa ka ah: Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan & Maxamuud Cabdiraxmaan Xasan, waxaana lagu eedeeyay in ay xadka dalkaas ka geliyeen maandoori gaar ahaan Xashiish.

Fulinta Xukunkaan waxa uu ka dhacay Gobolka Najraan ee Koofurta Dalkaas dhaca, waxa uu xigaa dhinaca Yemen, Ragga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa kasoo tallaabay Dhulka Buuraha ah oo ugu dambayn ciidamada halkaas jooga ay qabteen.

Sacuudiga ayaa sheegay in uu dagaal adag kula jiro Dadka dalkaas gelinaya Walxaha maanka dooriya, qofkii lagu qabto waxaa la mariyaa xukunka ugu adag oo ah in la horgeeyo Maxkamad laguna xukumo toogasho isla markaana lagu fuliyo isla xukunkaas.

Xabsiyada Sacuudiga waxaa ku jira Maxaabiis kala duwan kuwaas oo qaarkood ku eedeysan in ay si sharci darro ah ku galeen dalkaas, halka qaar kale lagu eedeeyay in ay geliyeen walxaha maanka dooriya oo xukun adag uu ka yaallo dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here