Saliidda nooca loo yaqaan Brent Crude ayaa kor u kacday 4% iyada oo halkii fuusto ay gaartay $79.11 sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa laga cabsi qabaa in qiimuhu uu sare usii kaco waa haddii colaaddu sii socoto.
Sababta ugu weyn waa istaagista Maraakiibta Saliiddaan qaadda ee Marinka Hormuz, Iiraan ayaa culays saartay maraakiibtaas isaga kala gudubta Marinkaan muhiimka ah oo 20% ay ka gudbaan saliidda iyo shidaalka.
Maraykanka qudhiisa qiima kororku wuu gaaray maadaama uu Dalalka Khaliijka uu kasoo qaato shidaalka iyo saliidda cayriinka ah dibna usii sifeeyo, lacagta halkii fuusto maanta la kala siinayo waa $74.36 oo ka dhigaysa in 4% in ay korortay.
Dagaalka Maraykanka iyo Iiraan ayaa noqday mid xal dhab ah loo la’ yahay sababo la xiriira in dhinacba mar uu jabinayo heshiiska xabbad-joojinta ah ay wada galaan, tani waxa ay quus ka dhigtay dedaalladii la geliyay soo afjaridda colaaddaas.



