Home WARARKA Hoggaamiye ka tirsan ODM oo ku baaqay in dib loo furo xadka...

Hoggaamiye ka tirsan ODM oo ku baaqay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya

5
0

Hoggaamiye ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM ee dalka Kenya ayaa ku baaqay in dib loo furo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda amni ay soo hagaagtay isla markaana ay jirto fursad lagu xoojin karo ganacsiga gobolka.

Mas’uulkan, oo khudbad ka jeediyay Dhadhaab, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, tallaabooyinka lagu fududeeyay helitaanka kaararka aqoonsiga (ID-yada) ee Soomaalida Kenya, isagoo sheegay in taasi ay xoojisay dareenka muwaadinnimada iyo sinnaanta.

Wuxuu sheegay in haddii uu helo fursad uu kula kulmo madaxweynaha, uu kala hadli doono furitaanka xadka Kenya iyo Soomaaliya, isagoo ku dooday in tallaabadaasi ay dardargelin doonto isu socodka ganacsiga ee u dhexeeya Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mas’uulka ayaa sidoo kale soo jeediyay in magaalada Dhadhaab laga hirgeliyo suuq weyn oo xoolaha lagu kala iibsado, isagoo sheegay in geela, lo’da iyo xoolaha kale ay ka iman karaan Soomaaliya, Itoobiya iyo gudaha Kenya, taasoo gobolka u beddeli karta xarun ganacsi oo muhiim ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in amniga uu soo hagaagay isla markaana ay yaraadeen weerarrada Al-Shabaab, arrintaas oo uu ku tilmaamay fursad lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.

Ad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here