Home WARARKA Xasan Sheekh oo gaarey dalka Qadar

Xasan Sheekh oo gaarey dalka Qadar

4
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Safarka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ujeeddadiisu yahay inuu dowladda iyo shacabka dalka Qadar la qaybsado tacsida geerida ku timid Aabaha Amiirka dalkaas, Shiikh Al Xamad Bin Khalif Al-thani.

waxaa garoonka caalamiga ah ee Xamad ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka ee dalka Qadar, Danjiraha Soomaaliya ee Qadar iyo Mas’uuliyiin kale.

Sida ilo xogaal ah ay sheegeen, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dooxa kulan gaar ah kula yeelan doona Amiirka dalkaasi Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad, isagoo la wadaagi doono tacsida Aabihii Xamad Bin Khaliifa.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Caalamka ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah iyo calanka Jamhuuriyadda oo hoos loo dhigay.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa qorshaha yahay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda Caalamka ee ku qulqulaya Magaalada Dooxa, si ay uga qeyb galaan Tacsida Amiirkii hore ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here