Home WARARKA Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha...

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha Liibiya

1
0

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ama lagu la’yahay badda Mediterranean-ka kaddib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen ay ku degtay Talaadadii meel ka baxsan xeebaha bari ee Liibiya.

Sida ay ilo amni u sheegeen Reuters, 10 qof ayaa laga soo badbaadiyay shilka, waxaana laga helay agagaarka jasiiradda El-Bardaa oo qiyaastii 70 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Tobruk, una dhow xadka Masar.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ku dhowaad 60 muhaajiriin ah, isla markaana ay safarka badda bilaabeen aroortii hore. Muhaajiriinta ayaa kasoo jeeday dalal kala duwan oo ku yaalla Afrika ka hooseysa saxaraha (Sub-Saharan Africa).

Liibiya ayaa weli ah marin muhiim u ah muhaajiriinta isku daya inay gaaraan Yurub, iyagoo ka tallaabaya saxaraha iyo badda Mediterranean-ka, inkastoo safarradaasi ay halis weyn ku yihiin noloshooda.

Dhacdo kale oo gooni ah, kooxaha gurmadka ee magaalada Tobruk ayaa Isniintii soo saaray meydadka afar muhaajiriin ah, halka ay badbaadiyeen 24 kale, kaddib markii doontoodii ay laba toddobaad ku dhex sabeynaysay biyaha Liibiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in doontaasi ay saarnaayeen 28 qof, kuwaas oo la kulmay xaalado bini’aadantinimo oo aad u adag intii ay badda ku jireen. Afarta qof ee dhintay ayaa la sheegay inay u geeriyoodeen duruufaha adag ee doonta oo burbursaneyd, halka dadka la badbaadiyay loo qaaday isbitaal si loo siiyo daryeel caafimaad.

Bishii Juun ayay sidoo kale mas’uuliyiinta Tobruk kasoo saareen meydadka ku dhowaad 26 muhaajiriin ah, kaddib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay meel u dhow magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here