Home WARARKA Bannaanbax looga soo horjeedo Turkiga oo ka dhacay Kismaayo+Sawirro

Bannaanbax looga soo horjeedo Turkiga oo ka dhacay Kismaayo+Sawirro

5
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Kismaayo ayaa sameeyay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladda Turkiga, kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira duqeyn la sheegay in lagu bartilmaameedsaday guriga uu degmada Doolow ka deganaa Taliye Shub.

Dadkii bannaanbaxa dhigayay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdada Doolow, iyagoo sheegay in xiriirka dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga uu ahaa mid ay horey u taageersanaayeen, balse ay hadda ka caroodeen eedeymaha la xiriira weerarka.

Qaar ka mid ah dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in aysan raalli ka ahayn in dal shisheeye lagu eedeeyo inuu ku lug yeesho arrimaha siyaasadda iyo amniga gudaha Soomaaliya.

Dhacdada Doolow ayaa dhacday habeenkii 3-da iyo 4-ta Sebtembar, waxaana qaraxyo lagu weeraray guriga General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub, kaas oo horey u soo noqday taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegay in Taliye Shub uu dhaawac fudud kasoo gaaray dhacdada.

Maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyay diyaarado ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga inay fuliyeen weerarka, waxaana maamulka uu sheegay in arrintan ay muujineyso faragelin shisheeye oo lagu sameynayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Bannaanbaxa Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli uu sare u kacayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Arrinta Doolow ayaa khilaafkaas kusii kordhisay muran cusub oo ku saabsan doorka dalalka shisheeye ee arrimaha amniga Soomaaliya.

Shacabka bannaanbaxa dhigayay ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya in la caddeeyo cidda ka dambeysay dhacdada Doolow, halka ay sidoo kale dalbanayeen in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo amniga Soomaaliya.

DHEERAAD:  Muxuu yahay go’aanka ay oo ku dhowaaqday Kenya ee bahdil ku ah Soomaaliya

Ilaa hadda, ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa in Turkigu si toos ah u fuliyay weerarka Doolow, waxaana weli jira warar iyo eedeymo iska soo horjeeda oo ku saabsan waxa dhab ahaan ka dhacay goobta.

May be an image of one or more people and text that says "Emirats FLY BETTER DOONI MAYNO ERDOGAN WE DO NOT WANT FRDOGAN WDO OGAN"

May be an image of one or more people, headscarf, crowd and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here