Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Maxamed ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Turkiga, Prof.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka iyo ka shaqeynta heshiiska, kaasoo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya bishii Luulyo 2025.
Hindisaha ayaa ujeedadiisu tahay horumarinta shaqo abuurka, balaadhinta fursadaha shaqo, iyo xoojinta horumarinta shaqaalaha ee Soomaaliya. Saxiixa rasmiga ah ee heshiiska ayaa la filayaa inuu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga.
Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in la bilaabo barnaamijyo gaar ah oo lagu tababarayo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Barnaamijyadu waxay ka soo qaadan doonaan khibradda Turkiga si kor loogu qaado xirfadaha xoogga shaqada iyo horumarinta maamulka daryeelka bulshada ee Soomaaliya.
Wasiir Yuusuf Maxamed ayaa uga mahadceliyey Wasiir Işıkhan soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee kala dhaxeeya Turkiga. Waxa uu xusay in iskaashigani uu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.



