Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa laga soo sheegay deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo xaaladda amni ee deegaanka ay saacadihii lasoo dhaafay abuurtay walaac iyo cabsi soo wajahday dadka ku nool tuulooyinka ku teedsan magaalada.
Raadadka iyo burburka laga soo sheegay qaar ka mid ah tuulooyinka hoos taga Baydhabo ayaa muujinaya saameynta duqeymo xalay ka dhacay deegaanka. Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale lagu arkayaa godad waaweyn iyo burbur loo aaneynayo madaafiic ku dhacay goobaha ay dadka rayidka ah ku nool yihiin.
Ilaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee dadka waxyeelladu kasoo gaartay duqeymaha, waxaana sidoo kale jira warar kala duwan oo ku saabsan cidda fulisay weerarrada iyo goobihii sida gaar ah loo bartilmaameedsaday.
Dhanka kale, wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo la xiriira maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay ku ururayaan meel qiyaastii 20 kiiloomitir u jirta magaalada Baydhabo.
Goobta ay ciidamadaasi ku ururayaan ayaa dadka deegaanka qaarkood waxay ku magacaabaan Seydheloow. Ciidamada la sheegay inay halkaasi ku sugan yihiin ayaa la tilmaamayaa inay yihiin kuwo tiro badan oo si wanaagsan u qalabeysan, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in magaalada Baydhabo uu ka dhaco iska horimaad militari.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa ciidamadaasi uu la xiriiri karo qorshe weerar oo lagu wajihi karo magaalada Baydhabo, oo xilligan ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli shalay magaalada Baydhabo laga soo sheegay inay ka degeen duulimaadyo dhowr ah oo sida ciidamo isugu jira Haramcad iyo qaybo kale oo ka tirsan ciidamada dowladda ah.
Imaatinka ciidamadaasi ayaa sii xoojiyay hadal-heynta ku saabsan xaaladda magaalada iyo suurtagalnimada in labada dhinac ay isu diyaarinayaan xaalad amni oo cusub.
Dadka ku nool tuulooyinka ku dhow Baydhabo ayaa wajahaya cabsi xooggan, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada ku yaalla jihooyinka ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo meelaha laga soo sheegay inay madaafiicdu ku dhaceen.
Xaaladda ayaa sidoo kale walaac ku abuurtay qoysas badan oo ka baqaya in dagaal toos ah uu ka billowdo duleedka Baydhabo, taasoo keeni karta in shacabka ku nool tuulooyinka ku dhow magaalada ay ka barakacaan guryahooda.
Baydhabo ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga Koonfur Galbeed, waxaana muddooyinkii dambe ka jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyo kala duwan. Khilaafkaasi ayaa mararka qaar isu beddelay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo hadallo kulul oo laga jeediyo labada dhinac.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo si faahfaahsan uga hadlay duqeymihii la sheegay inay xalay ka dhaceen tuulooyinka hoos taga Baydhabo, sidoo kale lama xaqiijin in ciidamada lagu soo warramay inay ku ururayaan Seydheloow ay bilaabeen weerar ay ku wajahayaan magaalada.
Xaaladda ayaa weli ah mid isbeddelaysa, waxaana indhaha lagu hayaa dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo sida ay uga falcelin doonaan dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Baydhabo.



