Home WARARKA Mareykanka oo Qaramada Midoobay Siinaya Hal Sano oo Dheeraad ah oo Lagu...

Mareykanka oo Qaramada Midoobay Siinaya Hal Sano oo Dheeraad ah oo Lagu Dhimo Taageerada AUSSOM

4
0

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay loo kordhiyo muddo hal sano ah si si tartiib ah loogu soo afjaro taageerada saadka ee ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, iyadoo mustaqbalka howlgalka uu weli wajahayo hubanti la’aan dhaqaale iyo mid saadka.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya cabsi laga qabay in taageerada Qaramada Midoobay si degdeg ah loo joojiyo dhammaadka sanadkan, balse ma micnaheedu aha in taageerada UNSOS ay sii socon doonto muddo aan xad lahayn. Sida Reuters sheegtay, qorshuhu wuxuu yahay in hawlaha dhimista taageerada ay bilaabmaan Janaayo 2027, kadibna muddo 12 bilood ah lagu soo afjaro.

Tallaabadan waxay AUSSOM iyo dowladda Soomaaliya siinaysaa waqti dheeraad ah oo ay ku raadiyaan hannaan kale oo lagu daboolo baahiyaha dhaqaale iyo saadka ee howlgalka.

UNSOS waxay door muhiim ah ku leedahay howlgalka AUSSOM, gaar ahaan dhinaca saadka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah ciidamada Midowga Afrika.

Taageerada ay bixiso waxaa ka mid ah adeegyo la xiriira cuntada, shidaalka, biyaha, caafimaadka, gaadiidka iyo adeegyo kale oo ay ciidamada howlgalka u baahan yihiin.

Dukumentiyada Qaramada Midoobay waxay muujinayaan in UNSOS ay weli taageerada saadka u fidinayso AUSSOM, iyadoo howlgalka uu marayo marxalad dib-u-habeyn iyo wareejinta qaar ka mid ah goobaha ciidamada loogu talagalay ciidamada amniga Soomaaliya.

AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu dowladda Soomaaliya ka taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta amniga dalka.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa ka howlgala meelo kala duwan oo Soomaaliya ah, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegayaan masuuliyadda amniga.

Dagaalka Al-Shabaab weli wuxuu u baahan yahay taageero ciidan, dhaqaale iyo saadka ah, taasoo ka dhigaysa mustaqbalka taageerada caalamiga ah arrin muhiim u ah howlgalka.

Go’aanka Washington wuxuu ka tarjumayaa isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan taageerada howlgalka iyo UNSOS.

Dhibaatada ugu weyn ee AUSSOM ma aha oo keliya taageerada UNSOS, balse sidoo kale waa halka laga heli doono lacagta lagu sii wado howlgalka.

Qorshihii hore ee maalgelinta AUSSOM wuxuu ku dhisnaa hannaan ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si wadajir ah uga qeyb qaataan maalgelinta howlgalka.

Dukumentiyada Qaramada Midoobay waxay tilmaamayaan in qaabkii maalgelinta lagu doonayay in Qaramada Midoobay ay bixiso ilaa 75% miisaaniyadda howlgalka, halka inta soo hartayna laga raadinayo ilo kale.

Qorshaha hadda jira wuxuu siinayaa dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika waqti dheeraad ah oo ay ku raadiyaan xal.

Laakiin haddii aan la helin ilo dhaqaale oo cusub iyo hannaan lagu beddelo adeegyada UNSOS, waxaa laga yaabaa inay adkaato in AUSSOM uu sii wato dhammaan howlihiisa hadda.

Qaramada Midoobay waxay hore u qorsheysay in AUSSOM uu maro marxalado kala duwan oo ay ku jiraan dib-u-habeyn, wareejinta goobaha iyo ugu dambeyn dhimista ciidamada. Dukumenti UN ah wuxuu tilmaamayaa in wejiga labaad ee howlgalka uu socdo ilaa dhammaadka 2027, halka wejiyada dambe ay ku jiraan kala-guur iyo bixitaanka howlgalka.

Hal sano oo dheeraad ah waxay dowladda Soomaaliya siinaysaa fursad ay ku xoojiso ciidamada qaranka, kor ugu qaaddo awoodda saadka iyo inay raadsato taageero dhaqaale oo cusub.

Waxay sidoo kale fursad u tahay Midowga Afrika inuu la yimaado qorshe cusub oo lagu maareynayo kharashaadka howlgalka haddii taageerada Qaramada Midoobay hoos u dhacdo.

Laakiin waqtigaas wuxuu noqonayaa mid muhiim ah, maadaama aan la hubin in xal waara oo maalgelin ah la heli doono ka hor inta aan UNSOS si buuxda loo soo afjarin.

Arrinta xigta waxay noqon doontaa wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dowladaha taageera howlgalka.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay waxay weli ku jirtaa qorsheynta taageerada AUSSOM ee 2026/27, iyadoo sheegtay in UNSOS ay sii wadi doonto taageerada saadka iyadoo la waafajinayo marxaladda dib-u-habeynta howlgalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here