Home WARARKA Cali Cabdullahi Cosoble oo si kulul uga hadlay xiisadda Hirshabeelle, farriinna u...

Cali Cabdullahi Cosoble oo si kulul uga hadlay xiisadda Hirshabeelle, farriinna u diray Sanbaloolshe iyo Dabageed

3
0

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan.

Cali Cabdullahi Cosoble ayaa hadalkan ka jeediyay kulan maanta Muqdisho ay yeesheen Golaha Sare ee Siyaasadda beesha Xawaadle, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Hirshabeelle iyo arrimaha la xiriira doorashooyinka maamulka.

Khudbaddiisa ayuu si gaar ah ugu hadlay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Beledweyne, isaga oo dhaliilo u jeediyay Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Cosoble ayaa hadalkiisa ku xiray xaaladda hadda ka taagan Hirshabeelle iyo go’aankii Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaatay arrimaha siyaasadda iyo doorashada maamulka.

Waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu hore Sanbaloolshe ugu magacaabay xilal kala duwan, balse uu ku dooday in aan wax muuqda laga qaban muddadii uu xilalkaas hayay.

“Aniga madaxweyne Xasan Sheekh farriin ayaan u dirayaa, waa na dulmisay. Intaas oo jeer ayaa Sanbaloolshe ciddan dusha ka saartay, wax uu qabtayna haba yaraatee ma jirto,” ayuu yiri Cosoble.

Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sidoo kale ka digay in Sanbaloolshe lagu soo daro siyaasadda beesha Xawaadle, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin in magaca beesha loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.

Waxa uu hadalkiisa ku daray in haddii qof xil waayay uu isku dayayo inuu dadka ku dhiirrigeliyo kacdoon ama dagaal, arrintaasi ay noqon karto mid sii kordhinaysa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee ka jira Hiiraan.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa sidoo kale si toos ah ula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo ku sugan Beledweyne.

Cosoble ayaa sheegay in Dabageed uu xilka Madaxweyne Ku-xigeenka ku gaaray waxa uu ku tilmaamay nasiib iyo calaf, isaga oo ugu baaqay inuu muujiyo dulqaad iyo samir.

“Dabageedow jaranjarada aad fuushay markii horeba jaranjaro aad toos u gaari karto ma ahayn, laakiin Ilaah ayaa ku calfay, aqoon kuma aadan gaarin. Haddii aad calafkii weyday, inaad samirto ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Beledweyne laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka Hirshabeelle iyo sida loo maareynayo doorashada maamulka.

Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sidoo kale farriin u diray Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Cali Cagay, isaga oo ugu baaqay inuu si adag u ilaaliyo amniga gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in taliyaha qaybtu uu masuul ka yahay amniga gobolka, sidaas darteedna looga baahan yahay inuu ka hortago cid kasta oo isku dayda inay magaalada Beledweyne ka abuurto fowdo ama rabshado.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle waxaan rabaa in aan Taliyaha Qaybta 27-aad Cali Cagay u sheego inuu yahay mas’uulka amniga ee gobolka, sidaas darteedna qof fowdo ka kicinaya inuusan haba yaraatee aqbalin,” ayuu yiri Cosoble.

Khudbadda Cali Cosoble ayaa timid xilli Hirshabeelle ay ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda iyo cidda hoggaaminaysa geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka.

Xiisadda ayaa si gaar ah looga dareemayaa Beledweyne iyo Jowhar, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwan yihiin habka loo wajahayo doorashada, awood-qaybsiga iyo doorka dowladda federaalka.

Arrinta ayaa sidoo kale sii xasaasi noqotay kadib markii siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Hirshabeelle ay bilaabeen kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo kala duwan.

Dhanka kale, hadallada Cali Cabdullahi Cosoble waxay muujinayaan in qayb ka mid ah siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ee Xawaadle ay si gaar ah uga walaacsan yihiin jihada ay xaaladdu u socoto, gaar ahaan haddii khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad ama qalalaase amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here