Home WARARKA Cabdi Rashiid Janan oo Doolow kula hadlay ciidamada Nabadsugidda

Cabdi Rashiid Janan oo Doolow kula hadlay ciidamada Nabadsugidda

3
0

Taliyahii hore Nabadsugidda Jubbaland ahna Hoggaanka Guud ee Amniga Gobolka, Cabdi Rashiid Janan, ayaa saaka khudbad u jeediyay ciidamada Nabadsugidda Guutada Hilaac ee ka howlgala degmada Doolow iyo deegaanada ku dhow.

Janan ayaa ciidamada kula hadlay xilli ciidamada amniga ee gobolka Gedo ay wadaan howlgallo iyo dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaanada ku teedsan xuduudaha iyo meelaha ay ciidamadaasi ka howlgalaan.

Intii uu la hadlayay ciidamada, Janan wuxuu sheegay in cadowga koowaad ee ciidamada amniga uu yahay kooxaha argagixisada, isaga oo ciidamada ugu baaqay inay sii wadaan howsha ay u hayaan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cid kasta oo ka hor timaadda nabadda deegaanka ama dhibaateysa shacabka loo aqoonsan doono cadowga nabadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada amniga ay ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo hantidooda.

Taliyaha ayaa ciidamada Guutada Hilaac ku ammaanay shaqada adag ee ay ka hayaan degmada Doolow iyo deegaanada kale ee gobolka Gedo.

Janan ayaa sheegay in ciidamada ay qaadayaan mas’uuliyad muhiim ah oo la xiriirta sugidda amniga, isagoo ku booriyay inay sii xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo kuwa khalkhal gelinaya amniga deegaanka.

Wuxuu sidoo kale ciidamada u sheegay in xuquuqdooda la siin doono maalmaha soo socda, taas oo uu ku tilmaamay arrin muhiim u ah ciidamada oo muddo ku howlan sugidda amniga.

Guutada Hilaac ayaa ka mid ah ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala qaybo ka mid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow iyo deegaanada ku dhow.

Ciidamadan ayaa qayb ka qaata hawlaha lagu ilaalinayo amniga, ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan iyo sugidda xarumaha iyo goobaha muhiimka ah ee deegaanka.

Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe ahaa deegaan muhiim u ah howlaha amniga, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay wadaan dadaallo kala duwan oo lagu xoojinayo amniga.

Hadallada Janan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli ciidamada amniga laga doonayo inay sii kordhiyaan feejignaanta iyo ilaalinta shacabka, gaar ahaan deegaanada miyiga ah iyo kuwa ku dhow xuduudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here