Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka furmaya magaalada New York.
Xasan Sheekh ayaa saacado badan ku qaatay safarka, waxaana la filayaa inuu ka qaybgalo kulamada guud ee Golaha Qaramada Midoobay iyo shirar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo xaaladda caalamka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbad ka jeedin doona fadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo soo bandhigi doona xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha muhiimka ah ee dalka.
Khudbadda Xasan Sheekh ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amniga, siyaasadda dalka iyo taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligan xoogga saaraysa qorshaha ay kula wareegayso mas’uuliyadda guud ee amniga dalka, iyadoo doonaysa in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaar garoobaan sugidda amniga.
Inta uu ku sugan yahay magaalada New York, Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda dalal iyo hay’ado caalami ah. Kulamadaas ayaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya loogu heli lahaa taageero dheeraad ah, gaar ahaan qorshaha la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo xoojinta awoodda ciidamada qalabka sida.



