Xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir, waxaa ka jira cabashooyin la xiriira amni darro sii kordheysa, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in kooxo burcad ah oo hubeysan ay habeen iyo maalinba dhac u geystaan shacabka isticmaala waddooyinka xaafadda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda amni ay maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneyso, isla markaana ay cabsi xooggan soo wajahdo dadka ku nool xaafadda iyo dadka kale ee halkaasi u safra.
Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in falalka dhaca ay saameeyeen nolol maalmeedkooda, iyagoo sheegay in shacabka ay ku adkaatay inay si nabad ah ugu kala safraan xaafadda, gaar ahaan saacadaha habeenkii.
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ay dadka deegaanka ka cabanayaan ayaa la xiriirta gaadiidka Bajaajta ee isaga kala goosha isgoyska Zoobe iyo xaafadda Tarabuush. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, Bajaajta qaar ayaa habeenkii qaada rakaab badan, iyadoo qof kasta laga qaado lacag dhan 0.5.
Hase yeeshee, marka la gaaro xilliga salaadda Cishaha iyo wixii ka dambeeya, dadka deggan xaafadda Tarabuush ayaa wajahaya dhibaato la xiriirta helitaanka gaadiid si toos ah ugu qaada guryahooda.
Darawallada Bajaajta qaarkood ayaa la sheegay inay ka baqayaan inay galaan xaafadda, iyagoo ka cabsi qaba in kooxaha burcadda ah ay ka dhacaan mootooyinka ay wataan. Arrintan ayaa sababtay in qaar ka mid ah darawallada ay ka leexdaan waddooyinka tooska ah, ayna maraan dhinaca Suuq boocle , degmada Dharkeenley iyo aagga loo yaqaan Dhagaxa Turkiga.
Leexashadaas ayaa sii dheereyneysa safarka, waxayna dhibaato ku tahay dadka doonaya inay gaaraan xaafadda, gaar ahaan marka ay habeenkii tahay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in amni darrada jirta ay saameyn ku yeelatay ganacsiga, isu socodka bulshada iyo kalsoonida dadka ee waddooyinka xaafadda. Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban xaaladda ay sii kordhi karaan dhibaatooyinka ay shacabka la kulmaan.
Dadka ku nool Tarabuush ayaa dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir, maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha amniga ka codsaday inay wax ka qabtaan xaaladda, isla markaana ay xoojiyaan sugidda amniga xaafadda.
Waxay dalbadeen in la kordhiyo roondooyinka amniga, lana baaro falalka dhaca ee ay ka cabanayaan, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo hantidooda.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo laga helay maamulka degmada Wadajir ama laamaha amniga oo faahfaahinaya tallaabooyinka laga qaaday cabashooyinka dadka deegaanka.
Amni darrada laga soo sheegayo xaafadda Tarabuush ayaa noqotay walaac sii kordhaya, iyadoo shacabka ay sugayaan in dowladda iyo hay’adaha amniga ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo falalka dhaca, loona soo celinayo nabadgelyada iyo isu socodka dadka deegaanka.



