Cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ee dalka Kenya ayaa guul weyn ka gaaray howlgal ay ku fashiliyeen weerar argagixiso oo ay maleeshiyada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka fuliyaan deegaanka u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee gobolka Garissa.
War kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday kadib markii bulshada deegaanka ay soo sheegeen dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay, oo ay ku lug lahaayeen siddeed dagaalyahan oo ku hawlanaa diyaarinta qaraxyada la dhigo waddooyinka.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa ammaanay feejignaanta bulshada deegaanka, iyagoo tilmaamay in xogtooda waqtigeeda ku timid ay ka hortagtay masiibo weyn oo dhici lahayd.
“Ciidanka SOG waxay uga mahadcelinayaan bulshada deegaanka wada-shaqeynta wanaagsan, waxayna ku boorinayaan inay sii wadaan feejignaanta si loo joojiyo qorshayaasha argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen saraakiisha amniga.
Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgalada ka-hortagga argagixisada ee gobollada waqooyi-bari, kaddib markii ay soo bateen isku dayo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay gudaha ugu galaan Kenya iyagoo ka tagaya dhanka xadka Soomaaliya.



