Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo labo qof sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Dad ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose .
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee waxyeellada kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ka dhacay halkaasi.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsata ciidamada dowladda soomaaliya.



