Home WARARKA Wararkii ugu Dambeeyay Hooyo da’ ah oo aano qabiil loogu dilay deegaan...

Wararkii ugu Dambeeyay Hooyo da’ ah oo aano qabiil loogu dilay deegaan ka tirsan Galmudug

26
0

Wararka ka imaanaya deegaanka Guudoole ee Galmudug ayaa sheegaya in hooyo Madiino, oo qiyaastii 70 jir ahayd, lagu dilay weerar ay geysteen dabley hubeysan xilli ay ku sugneyd gurigeeda, halka wiilkeeda uu ku dhaawacmay rasaasta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ragga weerarka lagu fuliyay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana uu la xiriiro aano qabiil oo muddooyinkii dambe deegaankaasi ka taagneyd.

Meydka hooyo Madiino iyo dhaawaca wiilkeeda ayaa la geeyay magaalada Baxdo, halkaas oo lagu daweynayo dhaawaca wiilka, iyada oo xiisad ka dhalatay dhacdadaasi.

ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee Laamaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here