Al-Shabaab ayaa maanta oo Sabti ah weerar hoobiyeyaal ah waxay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansaxdheere, taas oo mar kale muujinaysa caqabadaha amni ee weli ka jira deegaannada koonfurta Soomaaliya.
Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ku dhacay gudaha iyo hareeraha xarunta. Ilaa iyo hadda lama hayo warar rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo taliska ciidamada Itoobiya midkoodna weli kama aysan hadlin weerarka, mana jirto xog la xaqiijiyay oo ku saabsan dhimasho, dhaawac ama burbur hantiyeed oo ka dhashay duqeynta.
Ddka ku nool degmada Qansaxdheere ayaa waxaa ay maqleen qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay gudaha iyo agagaarka saldhigga, kuwaas oo xigay dhaq-dhaqaaqyo ay sameeyeen ciidamada ku sugnaa degmada Qansaxdheere .
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah ay sii xoojinayaan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo awoodda kooxda ee gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.
Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan weerarka, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda.



