Home WARARKA AUSSOM oo go’aansatay in ay ka baxdo dalka Soomaaliya

AUSSOM oo go’aansatay in ay ka baxdo dalka Soomaaliya

2
0

Howlgalka xasilinta Soomaaaliya ee loo yaqaan AUSSOM ayaa ku dhawaaqay in uu isu diyaarinayo qorshihii uu u soo gabagabeyn lahaa howlgalka 20ka sano ka socda Soomaaliya.

AUSSOM ayaa Diyaarinaysa Wareejinta Mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya, Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf kala xaajooday.

Kulan ka dhacay Adisababa ayaa madaxa howlgalka xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM Danjire Diene ku sheegay in go’aanka Mareykanka saameyn taban ku yeeshay howlgalka loona baahanyahay in ay dowladda Soomaaliya la wareegto amniga dalkeeda wixii ka dambeeya dhamaadka sanadkan.

Todobaadka soo socda ayaa Magaalada Kampala waxaa ka dhacaya shir u dhaxeeya, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dowladda Federalka ah.

U Jeeddada ayaa ah in go’aan kama dambeys ah laga gaaro howlgalka waxaana hadda socda la tashiyada dhinacyada ay quseyso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here