Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ayaa maanta fadhi wadajir ah ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan lagu wareejiyay Guddiga u qaabilsan dastuurka.
Xildhibaannada & Senatarrada ayaa ku kala aragti duwan qabyotirka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad iyo hannaanka loo marayo dooddaan, waxa ay si hordhac ah u sheegeen in doodahooda ay dhexgayn doonnaan aqalka Golaha Shacabka.
Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiyada Dastuurka ee madaxbannaan iyo Baarlamanaka ayaa ka shaqeeyay dhammaystirka Dastuurka oo horay isla Baarlamaanku u ansixiyay cutubyada 1aad ilaa 4aad.



