Home WARARKA Booliiska Soomaaliya oo faahfaahiyay sababta loo xiray Lataliyaha Siciid Deni

Booliiska Soomaaliya oo faahfaahiyay sababta loo xiray Lataliyaha Siciid Deni

2
0

Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta loo fuliyay howlgal ka dhacay Xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo lagu soo xiray Lataliyaha Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre.

Booliiska ayaa Axmed Hurre ku eedeeyay in uu ku howlahaa falal amniga lid ku ah sida uu hadalka u dhigay, waxa uu intaas ku daray in baaris lagu wado Lataliyaha Siciid Deni ee saacadaha badan ku xiran mid kamid ah Xabsiyada Dowladda Federaalka sida ku warrameen ilo ku dhow xogtiisa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris” sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka kooban ee lasoo dhigay Barta Facebook ee Booliiska Soomaaliya.

Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo deegaan Doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dhaleeceeyay falka lagu xiray Lataliye Axmed Hurre halka Maamulka Siciid Deni uu cambaareeyay tallaabadaas isaga oo ku goodiyay in isla xisaabtan uu ka dambayn doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here