Home WARARKA Cabdulfataax Alsiisi oo markale ku celiyay in ciidamo Masaari ah kusoo biiri...

Cabdulfataax Alsiisi oo markale ku celiyay in ciidamo Masaari ah kusoo biiri doonaan Howlgalka AUSSOM

5
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdulfataax Alsiisi, ayaa Axaddii shaaciyay in dalkiisu uu sii wadi doono qorshaha uu ciidamo Masaari ah kaga mid noqonayo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah taageerada Masar ee amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Sisi ka jeediyay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay Qaahira, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho shaqo ku joogay dalka Masar.

Labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaddibna waxaa xigay kulan ballaaran oo ay ka qeybgaleen wafdiyada labada dal.

Intii kulamadaasi socdeen, Madaxweyne Sisi wuxuu adkeeyay mowqifka Masar ee ah taageerada buuxda ee midnimada Soomaaliya iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, isagoo si cad u diiday tallaabo kasta oo halis gelin karta qaranimada iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale ka digay tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo ku imaan kara kharashka amniga iyo madaxbannaanida dalalka, isaga oo sheegay in arrimahaasi ay si cad uga hor imaanayaan Axdiga Qaramada Midoobay.

Dhinacyadu waxay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga amniga iyo milatariga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, iyaga oo ka faa’iidaysanaya khibradda iyo awoodda ay Masar u leedahay dhinacyadaasi.

Sidoo kale, labada Madaxweyne waxay isku raaceen in khilaafaadka gobolka lagu xalliyo waddo nabadeed, lana xoojiyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la ilaalinayo hay’adaha dowladeed iyo danaha shacabka.

Sisi ayaa sidoo kale sheegay in Masar ay sii wadi doonto ka qeybgalka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, isaga oo xusay in tani ay muujinayso doorka Masar ee qaaradda Afrika iyo dadaalkeeda ku aaddan sugidda nabadda dhammaan gobollada Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Masar ayaa carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay saaran tahay oo keliya dalalka ku teedsan, taasoo muujinaysa diidmada Masar ee dal kasta oo aan bad lahayn oo doonaya inuu marin ka helo baddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here