Home WARARKA Ciidamada Asluubta oo Xiray Waddo Muhiim ah oo ku Taalla Muqdisho, Cabasho...

Ciidamada Asluubta oo Xiray Waddo Muhiim ah oo ku Taalla Muqdisho, Cabasho Mushaar La’aan ah darteed

2
0

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa saakay xiray waddada gasha xabsiga dhexe ee magaalada, taas oo hormarta Dekedda Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer soo jiitameysay.

Qaar kamid ah askartaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ka badan hal sano aysan helin wax mushaar ah, taas oo keentay in ay qaadaan tallaabadan ay waddada ku xireen. Waxay sidoo kale sheegeen in aroornimadii hore ay gabi ahaanba joojiyeen isku socodka gaadiidka, iyaga oo ku adkeystay in aanay jirin cid mari karta.

Waddada ayaa xiraneyd saacado dhowr ah, taas oo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee aaggaas muhiimka ah.

Mid kamid ah saraakiisha wadada xiratay ayaa warbaahinta u sheegay in hal sano iyo bar xuquuq la’aan iyo garaamkii ciidanka ay weysanaayeen taasna ay qasabtay inay gadood sameeyaan.

“Waxaan ka codsaneynaa taliyaha ciidanka, wasaaradda Cadaalada, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in muddo 12 saac gudaheeda ay uga soo jawaabaan codsigeeni oo aan helnaa xuquuqda naga maqan mudadaasi” ayuu yiri sarkaalkaasi la hadlay warbaahinta.

Ugu dambeyn, ciidamadii waddada xiray ayaa goobta ka tagay kadib markii ay halkaasi soo gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad oo faragelin sameeyay, waxaana dib loo furay waddada.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku aaddan cabashada ay soo bandhigeen askartan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here