Home WARARKA Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay dagaal yahan ka tirsan Daacish oo...

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay dagaal yahan ka tirsan Daacish oo ku sugnaa gobolka Bari

40
0

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Togga Balcad ee gobolka Bari waxa ay ku soo qabteen nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Haashim Suleyman oo ka tirsan Daacish.

Xariga ayaa dhacay intii lagu guda jiray wajigii afaraad ee howlgalka Hilac oo ah olole militari oo lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal-Miskaad ee rafaadka ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Feyzul Suleyman waa ninkii labaad oo u dhashay dalka Turkiga oo ay gacanta ku dhigaan ciidamada Puntland muddo labo bilood gudahood ah. Bishii June, ciidamada ammaanka ayaa xiray Xasan Ataar, oo ah muwaadin kale oo Turki ah oo lala xiriirinayo dhaqdhaqaaqyada Daacish ee isla gobolka.
Maamulka ayaa shaaca ka qaaday in labo kale oo u dhashay dalka Turkiga – Emre Kemal Yilmaz iyo Aylin Derya Kaya – ay weli maqan yihiin, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan aagga Cal-Miskaad.

Gen. Axmed Cabdilaahi Sheekh oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada Puntland ayaa sheegay in dableyda ay qabteen ay ahaayeen rag Turki ah oo ka soo baxsaday dalkooda kadib isku daygii afgambi ee dhicisoobay sanadkii 2016-kii, kuwaasi oo qaarkood horey uga tirsanaan jireen ciidamada Turkiga.

“Warar sirdoon ayaa sheegaya in shaqsiyaadkan ay markii hore ku biireen kooxda ISIS ee Suuriya ka hor inta aan loo gudbin gobolka Cal-Miskaad ee Puntland,” ayuu yiri Gen. Axmed.
Wuxuu intaas ku daray in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo xiriirka ay la leeyihiin tahriibinta caalamiga ah iyo shabakadaha argagixisada oo ay ku jirto PKK.

Khubarada dhinaca ammaanka ayaa ka digaya in joogitaanka dagaalyahannada shisheeye ee Soomaaliya ay hoosta ka xariiqeyso khatarta sii kordheysa ee argagixisada caalamiga ah, iyagoo ku baaqaya in la xoojiyo xog wadaagga iyo iskaashiga caalamiga ah si loola dagaallamo shabakadaha xagjirka ah.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dagaal yahan Soomaali ah oo maalintii Isniinta ku dagaalamay Togga Balade oo ay kula jireen kooxda Daacish.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here