Home WARARKA Ciidamada Xoogga oo howlgallo ka dhan ah ‘Al-shabaab ka billaabay Shabeelaha...

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ka dhan ah ‘Al-shabaab ka billaabay Shabeelaha Hoose

3
0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, ciidamadaan oo wata gaadiid badan oo Militari ayaa u dhaqaaqay deegaanno katirsan Gobolkaas.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgallada qarsoon ee lagu beegsanayo Al-shabaab ay sii soconayaan ilaa inta ay gacantooda dib ugu soo celinayaan deegaannada ay joogaan dagaalamaayasha Al-shabaab  sida hadalka loo dhigay.

Militariga Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalladooda ka socda Gobollada Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here