Xubnaha Golaha Mustaqablka Soomaaliya oo maanta shir gaar ah ku yeeshay xeyndaabka garoonka ee Xerada Xalane ayaa ku dhowaaqay inay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen dowladda.
Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in wada-xaajoodkii soo socday maalmahan uu ugu dambeyn ku soo dhammaaday natiijo la’aan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda cakiran ee uu ku jiro dalka.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay inuu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyo in wadaxaajoodkii ay kula jireen DFS uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan. Goluhu wuxuu wada-hadalku ku galay niyad wanaag iyo in dalka looga turo xaaladda adag ee uu ku jiro” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Golaha Mustaqbalka ayaa xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.
Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.
Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Villa Somalia, waxaana goluhu sheegay in cadaadis xoogan ay dowladda kala kulmeen intii ay socdeen wada-hadallada.
“Muddadii ay wada-hadalladu socdeen waxaa cadaadis amni iyo mid siyaasadeed la saaray xubnaha golaha, waxaana warbaahinta lagu faafiyay sheekooyin sumcad dil xambaarsan tallaabooyinkaas oo dhammaan wiiqayay kalsoonida iyo niyad-samida wada-hadalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa fashilka kadib goordhow ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo ku sugnaa caasimda ayaa qayb ka ahaa wada-hadalka, balse waxay baxayaan iyada oo aan la gaarin wax heshiis ah.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.



