Home WARARKA Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Xooggan oo Saaka laga Dareemayo Duleedka Baydhabo

Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Xooggan oo Saaka laga Dareemayo Duleedka Baydhabo

2
0

Dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan ayaa saaka laga soo sheegayaa qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda, iyadoo xaaladda amni ay u muuqato mid ka duwan maalmihii lasoo dhaafay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo badan lagu arkayo ilinka hore ee magaalada, gaar ahaan dhinacyada ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan hoggaanka uu ka tirsan yahay Sheekh Aadan Madoobe.

Dhanka kale, wararka laga helayo duleedka Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay kordhiyeen joogitaankooda, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo qaar ka mid ah fariisimaha ku yaalla hareeraha magaalada.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadaya xilli Baydhabo ay muddooyinkii lasoo dhaafay ka jirtay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa garabka Laftagareen iyo dhinaca ay taageerayaan Dowladda Federaalka iyo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.

Horaantii bishan, dagaallo culus ayaa ka dhacay gudaha Baydhabo iyo duleedkeeda, waxaana wararka laga helay magaalada xilligaas ay tilmaameen in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay dagaallo la galeen ciidamo taageersan Laftagareen.

Sidoo kale, ciidamo taabacsan Laftagareen ayaa maalmo ka hor lagu soo bandhigay duleedka Baydhabo, iyadoo mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin taageersan garabkiisa ay halkaas ku booqdeen ciidamada.

Dhinaca magaalada, ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa horey u sameystay saldhigyo cusub oo ku yaalla duleedka Baydhabo, waxaana la adkeeyay ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa.

Warbixinno kale ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay Baydhabo geysay ciidamo dheeraad ah oo loogu talagalay xoojinta amniga iyo difaaca magaalada, xilli ay sii kordhayeen dhaqdhaqaaqyada dhinaca Laftagareen.

Sidaas darteed, muuqaalka saaka laga dareemayo magaalada ayaa muujinaya in labada dhinac ay si weyn uga feejigan yihiin xaaladda, inkastoo aan weli la xaqiijin in dhaqdhaqaaqa maanta uu horseedayo dagaal cusub.

Shacabka Baydhabo ayaa si weyn ula socda dhaqdhaqaaqyada ciidamada, iyadoo xusuusta dagaalladii dhowaan dhacay ay weli ku cusub tahay dadka magaalada.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka qaba in haddii ciidamo dheeraad ah la isugu keeno hareeraha magaalada ay suuragal tahay in xiisadda ay mar kale isu beddesho iska horimaad hubeysan.

Dagaalladii hore ayaa saameeyay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo nolosha shacabka, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ku nagaadaan xilliyadii ay rasaastu socotay.

Xiisadda ayaa sidoo kale kusoo aadaysa xilli garabka Laftagareen uu dhawaan soo saaray amar lagu hakiyay duulimaadyada sida gaarka ah u qaada ciidamada iyo agabka ciidan ee ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed. Amarkaasi wuxuu dhaqan galay 7-dii Sebtembar, sida ay warbaahin maxalli ah sheegtay.

Tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida dhinacyada isku haya Baydhabo ay u heli doonaan ciidamo, saanad iyo agab dheeraad ah, gaar ahaan haddii xiisadda militari ay sii dheeraato.

Baydhabo ayaa hadda mar kale wajahaysa marxalad xasaasi ah, iyadoo labada dhinac ee isku haya gacan-ku-haynta Koonfur Galbeed ay ciidamo ku leeyihiin magaalada iyo hareeraheeda. Haddii dhaqdhaqaaqan cusub uu sii xoogaysto, waxaa laga cabsi qabaa in xiisadda siyaasadeed ay mar kale isu beddesho xaalad militari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here