Home WARARKA Dhulboob Mar kale ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Magaalada...

Dhulboob Mar kale ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

6
0

Dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda agagaarka Iskuulka 15 May ee Degmada Warta Nabadda, horeyna loo yiqiin Wardhiigley, ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen ciidamo boolis ah, kadib markii dadka deegaanka ay ka horyimaadeen jiingado lagu soo wareejiyey dhul ay sheegeen in ay sharci u haystaan.

Dhacdadan ayaa timid salaaddii Maqrib kadib, xilli dadka deegaanka ay bilaabeen in ay jiitaan ama jebiyaan jiingadihii lagu dhisay dhulka muranku ka taagan yahay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay adeegsadeen rasaas nool nool, balse aysan jirin qof ku dhaawacmay rasaastaas.

Sidoo kale, Waxaa ay ciidamada ay xireen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogeyn halka loo qaaday.

Xiisaddan ayaa qeyb ka ah muran dhuleed muddo ka taagnaa xaafadda, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in hore halkaas uga dhaceen falal isugu jiray burburin, caburin, rasaas iyo jirdil. Waxay sheegeen in dhacdooyinkii hore lagu dhaawacay qaar ka mid ah dadka deegaanka, halka kuwo kalena lagu jirdilay, xilli ay ka horyimaadeen isku dayo lagu doonayay in dhulkooda lagu qaato.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhulkaas ay muddo dheer deganaayeen, sharciyaddiisana ay haystaan, isla markaana aysan aqbali doonin in xoog, cabsi gelin ama jiingad lagu qaato hanti shacab leeyahay.

Waxay ugu baaqeen dowladda, maamulka gobolka, garsoorka iyo laamaha amniga in ay si degdeg ah u soo farageliyaan, loona sameeyo baaritaan caddaalad ah oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysa dhibaatada ka taagan xaafadda

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in la joojiyey dhulboob xooggan oo mudooyinkan ka jiray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dib markkii ay ka dhasheen iska horimaadyo iyo dagaalo hubeysan hase ahaatee waxaa haatan muuqata in howshaas dib loo bilaabay.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii ciidamada DF ay jiingado ku wareejiyeen Suuqii Sargaduuda ee degmada Waaberi ka dib markii laga barakiciyey dadkii ku ganacsanayey, laga dumiyey guryo iyo ganacsiyo halkaas ku yaallay, waxaana jira wararka jira warar sheegaya in dhulkaas laga iibiyey rag ganacsato ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here