Home WARARKA Doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka BFS oo maanta laga jooga 4 sano

Doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka BFS oo maanta laga jooga 4 sano

1
0

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku beegnayd April 2022, maanta oo kale 28kii April isla sanadkaas waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeennada Golahaas.

Maanta 4 sano ayaa laga joogaa waqtigaas la qabtay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya, waxaa muddadaas u hirgeliyay meel marinta shuruuc badan oo kasoo gudbay Xukuumadda halka qaar kale ay weli qabto u yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in muddo xileedkoodu uu dhammaaday isla markaana ay u hoggaansan yihiin Dastuurkii 2012 balse waxaa aragtidaasi diidan Xildhibaanno kale oo ku dooday in uu sanad u dhiman yahay iyaga oo ku dhaqmaya dastuurka cusub 2026.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan fasax ku maqan, Dowladda ayaa xoogga saaraysa qabsoomidda Doorashada Dadweyne iyada oo ka qabanaysa Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, HirShabeelle & Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa horay usoo dhawaysay doorashadii dadweyne ee Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir taas ka dhacday Caasimadda 25kii December 2025 inkasta oo xubnaha mucaaradka ay diideen doorashadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here