Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, Darren Welch, ayaa sheegay in UK ay taageersan tahay horumarka ay gaadhay dekedda Berbera, iyo in la meel mariyo heshiis xamuul oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya, sida uu hore u sheegay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Welch oo waraysi siiyay warbaahinta Itoobiya, ayaa wax laga waydiiyay dadaallada ay Itoobiya ugu jirto helitaanka marin badeed. Wuxuu ku jawaabay in uu taageersan yahay horumarka ay gaadhay dekedda Berbera, hawlaha ka socda, iyo in Itoobiya iyo Somaliland gaadhaan heshiis ganacsi.
“Waan fahmi karaa waddanka Itoobiya oo koraya dhaqaale ahaan iyo dad ahaanba in uu u baahdo dekedo ganacsi oo kala duwan. Dowladda UK waxay taageeraysaa shaqada ka socota dekedda Berbera, sidoo kalena waxay taageeraysaa heshiiska xamuulka si alaabadu si fudud ugu kala gudbaan dekedda iyo Itoobiya,” ayuu yidhi Danjire Welch.
Waxa uu sheegay in uu ka soo jeedo waddan leh boqolaal dekedo ah, isla markaana uu fahmi karo baahida ay leedahay bad la’aantu. Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo dowladaha kale ee gobolka in xiisadda la dejiyo, isaga oo sheegay in gobolku u baahan yahay iskaashi, isla markaana si nabad ah Addis Ababa u raadsato hadafkeeda.
“Waxa aanu ku doodaynaa in xiisad kasta lagu xalliyo wada-hadal nabadeed,” ayuu yidhi. Mar la waydiiyay muhiimada marin-badeed u leeyahay Itoobiya, wuxuu sheegay in marka laga yimaaddo baahida ay u qabto la macaamilka dunida kale, ay sidoo kale muhiim u tahay xoojinta ganacsiga ay la leedahay waddamada Afrika.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo wareysi gaar ah siiyay CNN Business Arabic, ayaa sheegay in dhawaan la soo gabagabeyn doono heshiis ganacsi oo dhex mara Itoobiya. “Waxa aanu Itoobiya la wadnaa heshiis ku saabsan xamuulka oo aan rajaynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo,” ayuu yidhi Cirro.
Waxa uu intaas ku daray in uu doonayo in uu abuuro gobol nabdoon oo ganacsigu ku badhaadho, isaga oo xusay in gaar ahaan dowladda Maraykanka uu diyaar ula yahay in uu la galo heshiis ku saabsan ganacsiga macdanta qaaliga ah ee laga helo Somaliland.
Somaliland ayaa hadda leh mid ka mid ah dekedaha ugu casrisan gobolka, iyada oo dowladda Imaaraadku in ka badan 400 milyan oo dollar ku horumarisay dekedda Berbera, madaarka iyo waddada isku xidha Berbera iyo Itoobiya. Itoobiya ayaa hore saami boqolkiiba 19 ah looga siiyay dekedda, kaasi oo lagala noqday markii ay shuruudihii ku xidhnaa kasoo bixi wayday.



