Qoysaska 6 Muwaadin oo u dhashay Dalka Morocco kuna xiran Soomaaliya gaar ahaan Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa codsaday in laga gacansiiyo sii daynta dadkooda oo muddo 2 sano ah xiran laguna waayay dambiyadii lagu eedeeyay.
Ehalka oo Warbaahinta la hadlay iyaga oo dhinac joogaan mas’uuliyiin katirsan Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha Morocco waxa ay cod dheer ku gaarsiiyeen Dowladdooda iyo cid weliba oo gacan ka siin karta xorriyadda xubnaha ehelkooda ah.
Waxa ay carrabka ku dhufteen in la qiyaamatay dadkooda iyada oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ balse kiiskaas lagu waayay markii maxkamad lasoo taagay inkasta oo aanay weli la fasixin.
Walaac ayay ka muujiyeen xaaladdooda Caafimaad, cunno iyo Amni maadaama maxkamadda lasoo taagay ee Puntland ay amartay in dib loogu celiyo dalkooda aanay la fulin ilaa hadda, waxa ay soo jeediyeen in loo fududeeyo dib u midoobista ehelkooda.
“Sharciga ayaa ka bari yeelay dambiyadii lagu soo eedeeyay, dhibaato cidna kuma qabaan, Dowladda Morocco waxaa waajib ka saaran yahay in ay dib usoo celiyo Dadkeenna, dabcan duruufo kala duwan ayay wajahayaan” Sidaasi waxaa yiri ehelka Dadka lagu haysto Soomaaliya.
Sanadkii 2024 ayaa lagu xiray Gudaha Buuraha Calmiskaad ee Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaa la sheegay in halkaas lagu geeyay shaqooyin markii dambe shirqool isu baddelay sida hadalka loo dhigay, Maxkamad lasoo taagay in dalkooda dib loogu celiyo balse lama fulin.
Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha Morocco ayaa sheegay in ay la xiriireen Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi iyo Golaha Qaranka ee Xuquuqul-Insaanka balse aanay jawaab ka helin si loo qaado tallaabooyinka dadkaas dib loogu celinayo Dalkooda Hooyo.
Qareen Soomaali ah oo difaacayay Muwaadiniintaan u dhashay Morocco ayaa horay u sheegay in is faham darro soo kala dhex dhacday Dowladda Morocco iyo Maamulka Puntland ay sababtay dib u dhaca qorshaha masaafurinta Dadkaas.



