Home WARARKA Dowladda muddo dhaafka ah oo markale weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta...

Dowladda muddo dhaafka ah oo markale weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka

2
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo wareysi gaar ah bixinaayay ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay khalalaase la dammacsan yihiin magaaladda Muqdisho.

Isagoo adeegsanaayo ereyo aad u xanaf badan ayuu Wasiirka Warfaafinta ee XFS sheegay sida uu hadalka u dhigay in siyaasiyiinta mucaaradku ay wadaan kicinta qabiillada Lax dhimatana ay dhashiike ku xirtaan marwaliba oo ay doonayaan in dowladdu ay is-qabtaan.

Waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in dowladda muddo xileedka dhammaaday ee uu ka tirsan yahay marar badan uu duullaan kaga yimid sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiinta mucaaradka hase ahaatee wuxuu xusay in aysan gacmaha ka laaban doonin.

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ka taagan khilaaf doorasho oo aad u xoogeysan kaasi oo aan wali xal loo helin iyadoo ay ka dhacday horraantii bishaan gudaha magaaladda Muqdisho isku dhac ciidan oo u dhexeeyay ilaallada xubno ka tirsan mucaaradka iyo dowladda muddo dhaafka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaana si aanu kaleex leexasho lahayn oo bareer ah ugu hanjabay mucaaradka wax uuna ku yirri “haddii aad hub soo qaadataan aniguna hub ayaa idin soo qaadan doonaan oo gacmaha idinkama laabanaayo.”

Xasan oo sii hadlaayay ayaa geesta kale waxa uu difaacay hawlgalka barakicinta danyarta ee dowladdiisa shaqo ka dhigatay afartii sano ee ugu dambeysay ilaa iyo xilligaan ee muddo dhaafka uu yahay kana sii socdaan gudaha Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdicasiis oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda oo hawlgalkaasi horkacaya rasaas ay fureen dad rayid ah ku waxyeeloobeen.

Xasan ayaa shaaciyay in hawlgalkaasi barakicinta uu yahay mid oggolaansho sharciyeed haysta isaga ilaa iyo hay’adaha kale ee dowladda balse wuxuu ka jawaabi waayay hababkii loo maareeyay kiiskaasi dhibaatooyinka ka dhashay, dadka la barakiciyay oo aan ahayn kuwa dib u dejinta helay oo dhulalkaasi laga sii iibiyay dad kale oo qarashaad haysta halka dhaqaalihii kasoo xaroodana qasnada dowladda aysan ku dhicin oo ay ku dhaceen akoono gaar ah oo ah shaqsiyaad iyo hay’addo kale oo dowladdiisa dhisatay.

Xasan ayaa mucaaradka u eedeeyay sababta ay u difaacayaan barnaamijkaasi ay dowladdiisu ka wado gudaha Muqdisho oo meelaha qaar ay ka dhasheen musiibooyin naf lagu waayay iyo sidoo kale dhibaatooyin kale. Wuxuuna yirri ‘intii taasi ay ku mashquuli lahaayeen waxay ahayd deegaannada ay kasoo jeedaan ee gobollada dalka in Shabaabka ay ka xorreeyaan taas oo ah waajibaad dowladiisa laga rabay.

Madaweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya ee sida tan weerarka tooska ah ugu qaaday markale ee afeed mucaaradka Soomaaliya haddana mucaaradka waxay ka sugayaan in uu gogol lasoo galo oo heshiis ay kala gaaraan arrimaha doorashooyinka dastuurka lagu eedeynaayo inuu beddeshtay iyo qoddobo kale oo masiiri ah.

Waxaana la isweydiinayaa doonista mucaaradka Soomaaliya iyo doonista Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Villa Soomaaliya iyo waxa uu ka aaminsan yahay mucaaradka ee ah kuwa maangaabka ah sida dhinacyada sidaan u kala fog ay mar uun isgu imaan doonaa heshiis siyaasaddeed iyo hab nabdoon Madaxweynaha muddo dhaaf ah ee Villa Soomaaliya uu xukunka ku wareejiyo misne doorasho la’isla leeyahay oo wadar oggol ah natiijadeeda la aqbali karro uu mucaaradka mar uun kala shiro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here