Home WARARKA Fahiima Quuje oo loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa

Fahiima Quuje oo loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa

3
0

Xildhibaan hore Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje) ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, masuuliyiin kale oo xukuumadda ah iyo dadweyne kale.

Fahiima Quuje oo hadal ka jeedisay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegtay in ay si cad u go’aansatay inay dib ugu soo laabato Somaliland, iyadoo ku adkaysatay in aanay qarin doonin aragtideeda. Waxay sheegtay inay tahay “gabadh reer Somaliland ah” oo u ku dhacay dulmi, isla markaana duruufo hore ay ku kallifeen inay qaadato mowqif ka duwan kan ay maanta taagan tahay.

Waxay sheegtay in markii ay tagtay deegaannada ay colaaduhu saameeyeen ay u tagtay sidii ay dadkeeda u garab istaagi lahayd, balse ay markii dambe ku qancday in xalka ugu habboon uu yahay inay dib ugu soo laabato Somaliland. Waxay intaas ku dartay in aan dadka reer Sool loo arki karin dambiilayaal, isla markaana loo baahan yahay in si siman loo fahmo wixii ka dhacay gobolka.

Fahiima ayaa sidoo kale ku dooday in shacabka deegaannadaas lagu qaaday weerarro, iyadoo sheegtay in bulshada rayidka ah ay la kulmeen dhibaatooyin waaweyn. Waxay is barbar dhigtay waxyeellada ka dhacday gobolka Sool iyo wixii hore uga dhacay Hargeysa xilligii dowladdii Siyaad Barre, iyadoo ku baaqday in la joojiyo hadallada sii hurinaya kala fogaanshaha bulshada.

“Waxaan ahay gabadh reer Somaliland ah oo dulmi lagu sameeyay, lagu kifay in ay tuutaha xidhato, qofkasta oo damiir leh intii uu yeeli laha yeeshay, oo dadkeeda u sahan tagtay markay sahankii kusoo hungawdayna dib ugu soo noqotay Jamhuuriyadeedii Somaliland oo imaansatay, waxa aan caddaynaya in qof reer Sool ah oo dambiile ahi aanu jirin” ayay tidhi Fahiima

“Waxa nalagu Soo weeraray cashuurtii aanu bixinaynay, hubka kiisa bulshada rayidka ah laga mamnuucay ayaa nalala dhacayay, maanta cida mudan in la baryo wa anaga, cidna kama yeelayno in naloo arko dambiilayaal, wixii dowladii Siyaad Bare Hargaysa ka gaysatay teedii ayaa na gaadhay, waxa aanu doonayna in hadalada dadka sii kala fogaynaya ee naxliga abuuraya in la joojiyo” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo dadweynihii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo laabashada Fahiima Quuje. Waxay ku tilmaameen tallaabadeeda mid muhiim u ah dib-u-heshiisiinta iyo adkaynta wadajirka bulshada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here